Marka: (Sh. M. Network) Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay dilka loo geystay mid ka mid ah Shaqaalaheeda oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
War Saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in kooxo hubeysan ay toogteen mid ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midoobay oo ku sugnaa Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tibaaxay in ninkaan shaqaalaha ah oo u shaqeynayay Hay’adda beeraha ee Qaramada Midoobay ee FAO, laguna magacaabi jiray Yaasiin Max’ed Xasan islamarkaana aan la’ogeyn halkii ay ubaxsadeen kooxihii ka dambeeyay dilkii loo geystay shaqaalahaani ka tirsan Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO Silva ayaa sheegay in uu ka xun yahay dilka loo geystay muwaadinkaan oo Soomaaliga ahaa, una shaqeynayay Hay’addaasi, isagoo ugu baaqay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee la wareegay Magaalada Marka in ay faah faahin ka bixiyaan sababihii ka dambeeyay dilka loo geystay muwaadinkan Soomaaliga ah ee ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda FAO.
Ugu dambeyntii Yaasiin Max’ed Xasan Muwaadinkan u shaqeynayay Hay’adda FAO ayaa lagu qiyaasay da’diisa 32 jir, isagoo u shaqeynayay Hay’addaan ka tirsan Qaramada Midoobay muddo afar sano ah.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.