QM: La wareegitaankii Kismaayo waxay dhabar jab ku tahay Al Shabaab

maalik_som October 4, 2012 Comments Off

Nairobi (Sh.M.Network)— Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Howlgallada Ciidamada huwanta ay ka wadaan gobolada Jubbooyinka islamarkaana lagula wareegay Magaalada Istaraatiijiga ah ee Kismaayo ay tahay howshaha ugu muhiimsan oo ay hadda qabteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya. 

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay tibaaxday in qabashada Magaalada Kismaayo ay dhabar jab ku tahay Xarakada Al Shabaab, iyadoo Kismaayo ay tahay Godkii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya, haddana ay ku laaban yihiin gobo faro ku tiris ah, lagana saari doono. 

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay ku caawinayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen meelaha yar oo ay hadda ku sugan yihiin Al Shabaab, loogana hortagi lahaa in goboladaasi ay ka dhacaan falal aargigixisonimo.

Ugu dambeyn QM ayaa ugu baaqday Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Ururka Raaskamabooni inay ka taxa daraan dhibaato loo geysto dadka rayidka ah islamarkaana aysan ku dhex dagaalamin goobaha ay u badan yihiin dadka shacabka ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter