Nairobi: (Sh.M.Network) — Warbixin ay si wadajir ah usoo saareen Qarmada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan maagcaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
U qaabilsanaha Ururka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya Michele Cervone ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Abdi Faarax oo shalay lagu dhawaaqay.
“ R/wasaaraha la magacaabay waan soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay Beesha Caalamka, waa in uu la yimaadaa wax qabad muuqda, waana ku taageeraynaa” sidaasi waxa yiri Michele Cervone oo ah u qaabilsanaha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn u qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Mahiga oo hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay magacaabista R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo dhanka kale tilmaamay inay la shaqeyn doonaan.























Comments are closed.