qaylo dhaan Laga Muujiyay Qiima dhaca Sarrifka Dollarka Ku yimid

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato qiimo dhaca kuyimid Lacagta doollarka iyo Sarukaca Raashiinka.

Max’ed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho aaya tilmaamay in iminka Lacagta dollarka ay qiimo beeshay Raashinka qutul Yoomkana uu Meeshiisii Joogo.

Xaad ayaa tilmaamay in ay jiraan Qoysas soomaaliyeed oo biisha Lacago dollar ah oo looga soo diro dibadda qiimaha la sarifo iminkana aanu ku filleen wax aan ka badneen Maalmo cayiman maadaama Raashinka weli uu sidiisii yahay marka loo eego qiimaha la iibiyo sidaa daraadeed loobaahanyahay in dowladda Federaalka ay soo fara geliso arrintaasi.

Dhanka kale Xildhibaan Xasan abshir oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna ka hadlayay arrintaani ayaa sheegay in Xildhibaanada haatan dadkii ay wakiilka ka ahaayeen aad uga  Niyad Jabsanyihiin oo ay hadal hayaan Mushaar kororsi ay sameysteen taasi oo keentay sara u kac ku yimid qiimaha lagu seexdo Hoteelada islamarkaana loo baahanyahay si loo dajiyo bulshada dowladdu ay xil iska saarto sidii wax looga qaban lahaa arrintaan Sarrifka.

Sikastaba qiimaha Sarrifka ayaa maanta la sarrifayay halkii dollar  inkayar 15 kun oo Sh.Som Xilli qiimaha raashiinka qutul daruuriga ahna uu Meeshiisii Joogo

Comments are closed.

Facebook

Twitter