Muqdisho ( Sh.M.Network) Qaar Ka mid Aqoonyahanadda iyo Waxgaradka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa qaylo dhaan Xoogan Ka muujiyay Saameynta ay Ku yeelatay Shacabka Muqdisho hoos u dhaca ku yimid Sarifka doolarka.
Aadan C/Qaadir Axmed oo ka mid ah Aqoonyahandda Soomaaliyeed oo Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay sabab u yihiin hoos u dhaca Sarifka doolarka islamarkaana ay ka dambeeyaan ganacsato Soomaaliyeed oo aan u naxeyn umadda Soomaaliyeed.
Aadan C/qaadir ayaa Sidoo Kale Tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay soo daashatay dagaallo iyo Abaaro Ba’an haatanna Ganacsatada dhibaato kale oo horleh ay u horseedeen iyagoo Fiirsanaya dantooda Gaarka ah.
Nabaddoon Macallin Max’ud Cali Max’ud oo ka mid ahaa Odayaal dhaqameedka Boqol 35 ta ahaa ee Soo xulay Xildhibaanada oo isna Lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa Xusay in Culees Weyn ay ku tahay Umadda Soomaaliyeed in uu hoos u dhac ku yimaado doolarka Raashinkana uu halkiisii Joogo.
Qayladhaanta ay aqoonyahanadda iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay Ka muujiyeen qiima dhaca ku yimid Sarifka doolarka ayaa waxa uu imaanayaa xilli dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay Taaganyihiin Afkiibaa Juuqda Gabay.






![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)
















Comments are closed.