Muqdisho: (Sh.M.Network) — Saldhigyada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa xalay laga maqlay dhoor bambaanooyin oo ah kuwa gacanta laga tuuro kuwaasi oo ay ku weerareen Kooxo hubaysan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Bambaanooyinkaasi ay qasaaro kasoo gaareen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana bambaanooyinka kaddib Magaalada is qabsday rasaas xooggan oo in muddo ah socotay, taasi oo ay ridayeen Ciidamada huwanta ah ee ku sugan halkaasi iyo Kooxo kale sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dadka deegaanka ah.
Afhayeenka Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Aadan Axmed Xirse Rufle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa ay kusoo weerareen sida uu hadalka u dhigay rag ka tirsan Al Shabaab, isagoo xusay in Askar ka mid ah Dowladda uu dhaawacyo kasoo gaaray islamarkaana ay soo qabteen mid ka mid ah Kooxihii falkaasi ka dambeeyay.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka baxeen Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, kuwaasi oo la tilmaamay inay u jiheysteen deegaannada kale oo ay Shabaabka kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.























Comments are closed.