Qaraxyo qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

maalik_som August 20, 2012 Comments Off

Muqdisho : (Sh. M. Network)  Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xiggay oo  la sheegay inay gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa Koowaad ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM waxaa lagula eegtay Saldhigga degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir halkaasi oo dad deegaanka ah ay sheegeen in uu qasaaro kasoo gaaray.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa qarax miino lagula eegtay Isgoyska Baar-Ubax ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in markii qaraxa Ciidamadaasi lagula eegtay halkaasi ay rasaas dhinacyada u fureen.

Isla qaraxa Seddaxaad ayaa Ciidamo ka mid ah Dowladda waxaa haddana lagula eegtay Wadada Warshaha  ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qasaaro inta ay xaqiijisay Idaacadda Shabelle ay gaarayaan 4-ruux oo rayid ah.

Majiro Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo ka hadashay qaraxyadaasi, hase ahaatee waxa qaraxyadaani ay kusoo aadayaa xilli Shacabka Soomaaliyeed ay u dabaal dagayaan Munaasabadda Maalmaha Ciidda, ayna ku jiraan maalmo farxadeed.

Comments are closed.

Facebook

Twitter