Baladweyne: (Sh.M.Network) Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi Maqaaxi ku taalla lagu weeraray Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro, taasi oo geysatay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu weeraray bambaanooyinka oo ka bad baaday ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle inay arkeen dhimashada 5-ruux oo rayid ah iyo dhaawaca dad intaasi ka badan.
Goobta lagu weeraray Bambaanooyinka ayaa la sheegay inaysan ku sugneyn Ciidamada dowladda, hase ahaatee ay ku caweynayeen dad rayid ah, waxaana la tilmaamay in Ciidamo ka tirsan Dowladda oo gaaray halkaasi ay sameeyeen howlgallo dad lagu soo qab qabtay, wallow aan tiradoodu la ogeyn.
Xiriiro aanu la sameynay Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno.
Lama oga cidda ka dambeysa weerarkasi iyo sababta loo beegsaday dadka rayidka ah, hase ahaatee shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay gaareen Magaaladaasi, si ay u xaqiijiyeen amniga guud ee gobolka Hiiraan.























Comments are closed.