Qaraxyo lagu weeraray Kismaayo

maalik_som October 22, 2012 Comments Off

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Qaraxyadani oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa waxaa xalay lagu weeraray xarunta Gobolka Jubada hoose ee Magaalada Kismaayo halkaas oo fariisin u’ahayd ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Raas kaambooni.

Mikd ka mid ah dadka deegaanka  ee Magaalada Kismaayo oo Idaacadda Shabelle la soo xiriiray ayaa waxa uu sheegay in rag an lagaranaynin halka ay ka tirsan yihiin

Ay qaraxyadaasi ka fuliyeen Magaalada Kismaayo kuwaasi oo lagu qaaday  ciidamad dowladda iyo kuwa Ururka raaskambooni eek u sugan xarunta gobolka ee Magaaladda kismaayo wuxuuna intaa kudaran in aysan cadeyn qasaaraha kadhashay qaraxyadaasi inta ay la egyihiin  sida uu hadalka udhigay

Goobjoogaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in saakay ciidamada dowladda ay baaritaanno ka bilaabeen Magaalada kismaayo wxaxaana saakay la arkayay ciidamad dowlada oo baaritaano kawado xaafadaha Magaaladaasi iyo gawaarida soo galeysa iyo kawa kabaxaya magaalada.

Majito cid sheegatay Masuuliyadda qaraxyadaasi iyo hadl ka soo baxay Saraakiisha dowladda ee Magaalada Kismaayo oo ay kaga warbixinayaan weeraradaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter