Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Kenya

maalik_som March 6, 2013 Comments Off

Nairobi    (Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in labo Qarax ay ka dheceen Xaafadda Soomaalida ay ku badantahay ee Islii.

Hay’adda Bisha Case ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegtay in Qaraxyadaasi uu ku dhaawacmay hal qof kaasi oo lageeyay Isbitaal Ku yaalla Magaalada Nairobi.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi Benson Kibui ayaa waxa uu Xaqiijiyay in hal qarax oo kaliya uu ka dhacay Xaafadda Islii ee Soomaalidu degto isagoo intaa ku daray in qofka dhaawacmay uu ahaa Haweeney taasi oo loo qaaday Isbitaalka.

 Benson Kibui ayaa intaasi ku daray in  qaraxa uu ahaa waxyaabo qarxa oo lagu farsameeyay guri ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi .

Dhanka kale Qarax ka dhacay Magaalada Wajeer ee Gobolka W/Bari dalka Kenya ayaa waxaa ku dhaawacmay isna labo qof oo mid ka mid ah uu yahay Masuul ka tirsan dowladda Kenya.

Qaraxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli isnintii aanu ka soo gudubnay dalkaasi looga dareeray doorashada Madaxtinimo inkastoo aan weli lagu dhawaaqin Natiijada ka dhalatay Doorashadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter