Kismaayo: (Sh.M.Network) Qaraxyo is xig xigay ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Raaskambooni iyo kuwa Kenya lagula eegtay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Goobjoogayaal ayaa u xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xarunta gobolka ee Magaalada Kismaayo lala eegtay Qarax Miino oo sida la sheegay gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa sheegay in markii ay qaraxaasi maqleen kaddib haddana qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa gudaha Dekadda Magaalada Kismaayo oo ay maanta fariisimo waa weyn ka sameyteen.
Ciidamada Kenya ayaa furay rasaas aan la ogeyn qasaaraha ay gaysatay, waxaana la sheegay in Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda ay kusoo baxeen Magaalada si ay usii xaqiijiyaan ammaanka.
Daqiiqado kaddib ayaa haddana qarax kale waxa uu ka dhacay Xarunta Saldhigga Magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ururka Raaskambooni, iyadoo la sheegay in Ciidamada markaasi kaddib banaanka Saldhigga ay ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo dad lagu qab qabtay.
Qarax kale ayaa ka dhacay Dekadda Kismaayo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo ahaa kii labaad ee ka dhaca gudaha Dekadda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Kenya iyo Raaskambooni ayaa iminka waxa uu kullan looga hadlayo ammaanka uga socdaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ka wada hadlaya sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ee Magaaladaasi.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumaddii Gaas iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka digay in Ciidamada Dowladda ay ku deg degaan galidda Magaalada Kismaayo, maadaama ay sheegeen in Shabaabku halkaasi ay ku aaseen qaraxyo badan.




![Kulanka looga hadlayo ka hortaga dhibaatada Loo geysto Saxafiyiinta oo Galay Maalintiisii Labaad [ Sawirro ]](http://shabelle.net/wp-content/uploads/2013/05/IMG_2111.jpg)


















Comments are closed.