Qaraxyo is xig xigay oo lala eegtay Ciidamada Dowladda, Afgooye

maalik_som September 19, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network) Qaraxyo is xig xigay ayaa maanta Ciidamo ka tirsan  Dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay degmada AFgooye ee gobolka Sh/hoose. 

Qaraxyada oo ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya waxa barqonimadii maanta lagula eegtay afaafka hore ee Xaafadda Carta oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kuwaasi oo inta la ogyahay ay ku dhaawacmeen illaa 4-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda.

 Qaraxa kaddib ayaa waxa la sheegay in halkaasi ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi ka sameeyey howlgallo baaritaanno ah oo intii ay socdeen lagu soo qab qabtay ku dhawaad 10-ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi oo ahaa labo Miino oo dhulka lagu aasay, waxaana howlgalladaasi ay saameeeen ganacsigii ka jiray bartamaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka Dowladda ee degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan (Xanaano) oo qaraxa kaddib la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa nabad sugidda ay fashiliyeen isku day Al Shabaab ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan Ciidanka iyo shacabka degmada Afgooye, isagoo dhinaca kale ka warbixiyay howlgallo ay kusoo qab qabteen rag ka tirsan Al Shabaab oo qaarkood laga sii daayay Xabsiyada Dowladda. 

Degmada Afgooye oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxa marar badan ka dhacay qaraxyo qaarkood waxyeello u gaystay dad shacab ah oo ku ganacsanayay gudaha degmadaasi, waxaana Maamulka Dowladda ee degmadaasi uu marar badan shaaca ka qaaday in uu wax ka qabanayo Qaraxyadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter