Muqdisho: (Sh. M. Network) Qaraxyadaani oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa maanta waxa lagu weearay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Isgoyska Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxyada ay ahaayeen Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro, iyagoo sheegay inay arkeen dhaawaca 6-qofood oo rayid ah.
“ Anagoo iska joogna Isgoyska baabuurta laga raaco ee Suuqa Xoolaha ayaa Bambaanooyin is xig xigay lagu soo tuuray, dadkii oo dhan ayaa qal qal galay, waa la kala cararay, dadku waxay noqdeen kuwa iyagoo dhaawaca ah carara iyo kuwo socon waayay” sidaasi waxaa yiri goobjooge ku sugnaa halkaasi.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka bilaabay goobtii uu qaraxa ka dhacay, waxaana la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen ku dhawaad 70-ruux oo la sheegay in loo aaneynayo qaraxaasi.
Qaraxaani ayaa qeyb ka noqonaya kuwa muddooyinkii dambe ka dhacayay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu weerayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.























Comments are closed.