Qaraxyo is xig xigay oo caawa ruxay Marka, Sh/hoose

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Marka: (Sh. M. Network)  Qaraxyo is xig xigay oo qasaaro gaystay ayaa caawa la sheegay inay ka dhaceen gudaha Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose

Inta la ogyahay 2-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna  way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha Magaaladaasi.

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda KMG Soomaaliya Axmed Cumar Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Shaleemadii hore ee Marka, halkaasi oo uu ku geeriyooday hal ruux, qof kalena uu ku dhaawacmay.

“ Walaal qaraxa waxa uu ka dhacay Shaleemadii hore ee Marka, waxa la kor saaray meel maqaaxi ah, hal qof ayaa ku dhintay, qof kalena dhaawac ayuu noqday” sidaasi waxa yiri guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hose.

Sidoo kale qaraxa kale ayaa la sheegay in uu ka dhacay Saldhigga Magaaladaasi, iyadoo la sheegay in qaraxaasi uu gaystay qasaaro, wallow aan la shaacin.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ay baaritaanno ka wadaan nawaaxiga Saldhigga iyo waliba Shaleemadii hore ee Marka oo ay qaraxyada ka kala dhaceen.

Maalintii shalay ayaa Ciidamada Al Shabaab waxa ay isaga huleeleen Maagalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose oo ay muddo Maamulayeen, iyadoo iminka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.

Comments are closed.

Facebook

Twitter