Mandheera: (Sh.M.Network) Qaraxyo xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa maanta lala eegtay Ciidamada Kenya ee ku sugan Magaalada Mandheera ee Woqooyi Bari dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen qaraxyo xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Kenya.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Kenya oo wata Kollonyo gaadiid ah qarax lagula eegtay gudaha Magaaladaasi, waxaana la tilmaamay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 3-Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya iyo labo askari kale oo ka tirsanaa Saraakiisha Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa rasaas u furay dhinacyada, waxaana la sheegay inay jiraan qasaaro kasoo gaaray dad rayid ah rasaastaasi, inkastoo aan caddeyn, sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal.
Xaaladda Mandheera gaar ahaan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay tahay mid cakiran, waxaana Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo baaritaanno ah oo lagu baadi goobayo cidda ka dambeysa qaraxyadaasi.
Lama oga cidda ka dambeysa qaraxaasi, inkastoo Ciidamada Kenya marar badan gobolada Woqooyi Bari lagula eegtay qaraxyo ceenkaani oo kale ah.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net























Comments are closed.