Balcad: (Sh. M. Network) Qarax xooggan oo ay ku geeriyoodeen Caruur badan ayaa waxa uu maanta ka dhacay Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Inta la og yahay 7-ruux oo u badan Caruur ayaa ku geeriyootay tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii maanta Bam ay ku cayaarayeen Caruurtaasi ay kula qaraxday Dugsiga Quraan ku yaalla gudaha Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Goobjooge ku suganaa Magaalada Balcad oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Bamka qarxay uu ahaa mid ay ku cayaarayeen Caruur yaryar islamarkaana uu qasaaro u gaystay.
Guddoomiyaha degmada Balcad ee dowladda KMG Soomaaliya Cismaan Max’ed Max’ud Xaashoole oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa cadeeyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 7-ruux, isagoo xusay in Bamka ay halkaasi ku aaseen waxa uu ugu yeeray qas wadayaal oo uu ula jeeday Xarakada Al Shabaab.
Dhaawacyada dadkii wax ku noqday qaraxaasi ayaa waxaa loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaaladaasi kuwaasi oo iminka xaaladdoodu Caafimaad lagu dabiibayo halkaasi.,
Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa goorsii horeysay laga saaray Xarakada Al Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca qaraxyo loo adeegsado Miinooyinka nuuca dhulka lagu aaso, iyadoo Saraakiisha Dowladda ay intooda badan qaraxyadaasi Mas’uuliyaddoodu ku eedeeyaan Xarakada Al Shabaab.























Comments are closed.