Qaraxa qasaaro gaystay oo lala eegtay Ciidamada Kenya, Mandheera

maalik_som September 15, 2012 Comments Off

Mandheera: (Sh. M. Network)  Qaraxa qasaaro gaystayayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa lagula eegtay Magaalada Mandheera ee dalka Kenya. 

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Gaari ay wateen Ciidamada Booliska dalka Kenya qarax lagula eegtay gudaha Magaaladaasi. 

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xooggan islamarkaana qasaaro u gaystay Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya, iyadoo qaraxa kaddib Ciidamada ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo la sheegay in lagu soo qab qabtay dad badan oo Soomaali ah oo lala xiriirinayo inay lug ku lahaayeen qaraxaasi. 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi ay ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab, islamarkaana qaraxa uu ahaa mid lagu rakibay wadada dhinaceeda. 

Xaaladda Magaalada Mandheera gaar ahaan goobtii qaraxa lagula eegtay ayaa degan, waxaana qaraxaani uu qeyb ka noqonayaa kuwa inta badan Ciidamada Kenya lagula eegto gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter