Qarax Xoogan oo ka dhacay Guri ay Degenaayeen Saraakiil Ka tirsan Ururka Al Shabaab

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

Buulabarde (Sh.M.Network)— Wararka ka imaanaya Magaalada Buula barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in faah faahin dheeri ah ay ka soo bexeyso Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Guri ay degenyihiin Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab oo ku yaallay Bartamaha Magaaladaasi.

Si rasmi ah Looma oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxa oo gilgilay Magaalada Buulabarde hase ahaatee Qaraxaasi ayaa geestay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowladda Federaalka Soomaaliya Max’ud Nuur Cagajoof oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 40 qof oo sheegay in ay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa Xusay in Saraakiil Ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku jiraan dadka ku geeriyooday Qaraxa isagoona intaasi raaciyay in Guriga uu qaraxu ka dhacay lagu diyaarinayay qarax uu sheegay in lagu weerari rabay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Galankii dambe shalay ayaa Magaalada Buulo Barde waxaa Laga Maqlay Qarax weyn oo gilgilay Magaaladaasi waxaana Goob Joogayaal Ku sugan Magaaladaasi ay shabelle  u sheegeen in qaraxu uu ka dhacay Guri ay Deganyihiin Saraakiil Ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter