Qarax ruxay Baladweyne iyo Shabaab oo lagu eedeeyay

maalik_som August 17, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh. M. Network)   Qarax xooggan ayaa xalay waxa uu ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo dhinaca kale Maamulka Dowladda KMG ee Hiiraan uu faah faahin ka bixiyay qaraxyadaasi

Guddoomiye ku xiggeenka dhanka ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG Soomaaliya  Axmed Cismaan Inji  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay qarax xalay ka dhacay galbeedka Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Inji ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi goobta uu ka dhacay uu ahaa Guri ay leeyihiin dad Shacab ah, islamarkaana ay ka dambeeyeen Rag ka  tirsan Xarakada Al Shabaab isagoo intaasi ku daray in wax khasaara ah oo ka dhashay qaraxaasi aysan jirin sida uu hadalka udhigay.

Axmed Inji ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in ay Ciidanka ammaanka ay qaraxaasi usoo qabteen labo qof oo looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen qaraxii xalay ka dhacay Galbeedka Magaalada Balad-weyne wuxuuna sidoo kale uu tilmaamay in ay ku raja weynyihiin labada qof ay soo qabteen in ay ahaayeen kooxihii falkaasi ka danbeeyay.

Maalmihii dambe ayaa waxa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo maleegayay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo dilka dadka kale ee ku sugan halkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter