Muqdisho: (Sh.M.Network) — Qaraxaani oo ahaa Bambada nuuca gacanta laga tuuro ayaa xalay Kooxo hubaysan waxa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhinteen illaa 4-ruux oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda iyo qof Dumar ah, iyagoo sheegay in lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuqa Dahablaha sida ay hadalka u dhigeen.
“Ciidamada ayaa laga daba tuuray, iyagoo socda gudaha Suuqa, Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayay aheyd, rasaas ayay fureen Ciidamo kale oo ku sugnaa halkaasi” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha.
Qaraxaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Hay’adaha ammaanka ay Marxalad adag galiyeen dalka, islamarkaana Saraakiishoodu ay sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka kusoo laab laabtay Muqdisho.























Comments are closed.