Qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay Shalanbood, Sh/hoose

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Shalanbood: (Sh.M.Network) — Qaraxaani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in qaraxa uu ahaa mid xooggan islamarkaana gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Ciidamada dowladda qaraxa kaddib ay dhinacyada u fureen rasaas xooggan.

Sidoo kale dadka goobjoogayaasha ah ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay sameeyeen howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay kuwaasi oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Xiriiro aanu la sameynay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Sh/hoose ayaa inoo suuro gallin inaan ku haleelno qadka Taleefonka. 

Xaaladda ayaa degan, inkastoo Bamkaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca deegaannada iyo degmooyinka ay gacanta ku hayaan Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter