Qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay Marka, Sh/hoose

maalik_som August 29, 2012 Comments Off

Marka: (Sh. M. Network)   Qaraxa qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda waxaa lagula eegtay gudaha Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.

Qaraxaani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada Dowladda waxaa lala eegtay xilli ay gudaha Magaaladaasi ka wadeen howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayay ammaanka.

Hal ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo sida la sheegay ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa Suuqa Galeyda ee Magaaladaasi, iyadoo markii uu qaraxa dhacay ay Ciidamada dowladda dhinacyada u fureen rasaas aan la ogeyn qasaaraha ay dhalisay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa degan, waxaana Ciidamada Dowladda wali ay wadaan howlgallo baaritaanno ah, waxaana xiriiro aanu la sameynay Maamulka gobolka Sh/hoose inoo suuro gali waysay inaan qadka Taleefonka ku haleelno.

Xalay ayay aheyd markii Magaalada Marka lagu soo ragay Badow kadib markii uu ka dhacay labo qarax oo is xigay oo qasaaro u gaystay dad rayid ah oo ku sugnaa gudaha Magaaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter