Qarax qasaaro gaystay oo ka dhacay Kaniisad ku taalla Nairobi, Kenya

maalik_som September 30, 2012 Comments Off

Islii: (Sh.M.Network)  Qaraxaani oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weraray  dad ku sugnaa Kaniisad ku taalla Xaafadda Islii  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Qasaaraha hor dhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa waxa ay gaarayaan dhimashada hal ruux iyo dhaawac ku dhawaad 10-kale oo ahaa Muwaadiniin Kenyan ah sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Kenya. 

Dadkii ku dhaawcmay qaraxa oo qaarkood laga deerinayo Xaaladooda Caafimaad ayaa waxaa loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana la sheegayaa in halkaasi ay ka wadaan baaritaanno xooggan. 

Afhayeen u hadlay Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxaani ay ka dambeeyaan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hase ahaatee waxa jira qaraxo marar badan ka dhacay dalkaasi kuwaasi badankooda lagu weeraray Kaniisado ku yaalla halkaasi. 

Comments are closed.

Facebook

Twitter