Baladweyne: (Sh. M. Network) Qaraxa qasaaro gaystay ayaa waxa uu ka dhacay Magaalad Baladweyne, iyadoo dhinaca kale Maamulka gobolka uu faah faahin ka bixiyay qaraxaasi.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Axmed Inji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qarax qasaaro oo shalay ka dhacay gudaha Magaaladaasi.
Axmed Inji ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen rag ka tirsan Al Shabaab oo uu tibaaxay inay ku aaseen meel magaalada laga soo galo, wuxuuna tilmaamay inay ku dhinteen labo ruux , labo kalena ay ku dhaawaceen kuwaasi oo dhamaantooda ahaa Ciidamada Dowladda.
Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu xusay in Al Shabaab Caalamka looga aqoonsan yahay Al-qaacidda, Maamulka gobolkaasina ay ka go’an tahay sidii Al Shabaab looga si feyn lahaayeen Al Shabaab, loona xaqiijin lahaa ammaanka.
Magaalada Baladweyne oo q iyaastii Muqdisho u jirta 335-KM ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda, Ethiopia iyo kuwa AMISOM, waxaana xusid mudan oo aan la dafiri karin in gudaha Magaalada ay ka dhacaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo loo maleego Ciidamada Dowladda Soomaaliya.























Comments are closed.