Afgooye: (Sh. M. Network) Qaraxa qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda waxaa lagula eegtay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqisho ay u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, Labo qarax oo qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad sugidda oo watay Kollonyo gaadiid ah lagula eegtay gudaha degmadaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, lagana hago Rimuud Kontorolka, waxaana markii qaraxa lala eegtay Ciidamada Nabad sugidda la arkayay uuro badan oo cirka isku shareertay.
Isusocodka gaadiidka iyo ganasigii ka jiray goobta lagul eegtay qaraxa Miino Ciidamada ayaa hakad galay, waxaana la sheegay in Ciidamada Nabad sugidda baaritaanno ay ka sameeyeen halkaasi lagu soo qab qabtay 17-ruux oo ka agdhawaa goobtaasi.
Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Sh/hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu qiray in qaraxa uu ahaa labo qarax oo lala eegtay Ciidamada Nabad sugidda, hase ahaatee uu dhaawac kasoo yaaray dad rayid ah oo loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Majirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaasi, inkastoo uu qeyb ka yahay kuwa inta badan Ciidamada Nabad sugida qaranka lagula eegto Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.























Comments are closed.