Qarax qasaaro gaystay oo Ciidamada huwanta ah lagula eegtay Kismaayo

maalik_som October 9, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)— Qarax Miino ayaa waxaa Magaalada Kismaayo lagula eegtay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni. 

Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, qarax Miino ayaa maanta waxa gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose lagula eegtay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa la sheegay in qaraxa lala eegtay xilli howlgallo ballaaran ay ka sameynayeen Xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in qaraxa ay ku dhinteen labo ruux halka ku dhawaad 5- kalena ay ku dhaawacmeen. 

“ Qaraxa wuxuu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, Ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni oo ku sugan Xaafadda Calanley ayaa lala eegtay, marka aniga waxaan arkay hal qof oo meyd ah, iyo dhaawaca 5- kale,” sidaasi waxa yiri qof goobjoog ah.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Magaalada habeenkii oo dhan ay tahay Bandow islamarkaana aan jirin cid sameyn karta dhaq dhaqaaq. 

Xaaladda ayaa degan, waxaana Ciidamada huwanta ah lagu soo waramayaa inay baaritaanno ka wadaan Xaafado ka mid ah Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter