Baladweyne: (Sh. M. Network) Qarax Miino oo qasaaro gaystay ayaa Magaalada Baladweyne waxa lagula eegtay Ciidamada Ethiopia.
Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in barqonimadii maanta Barriga Magaalada Baladweyne qarax Miino lala eegtay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxa ay ku geeriyoodeen 3-askari oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee qaraxa lala eegtay, iyadoo sidoo kale ay jiraan qasaaro kale oo dhaawacyo ah oo soo gaaray Ciidamadaasi.
Qaraxa kaddib ayaa Ciidamada Ethiopian-ka la sheegay in rasaas ay fureen ay wax ku noqdeen dad shacab ah oo ku sugan Magaaladaasi, inkastoo aan la xaqiijin tirada dadka rayidka ah ee wax ku noqday rasaastaasi.
Ciidamada ayaa hakad galiyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray Bariga Magaalada Baladweyne, iyadoo ay bilaabeen howlgallo baaritaanno ah oo la sheegay in dad lagu soo qab qabtay, inkastoo aan caddeyn tirada dadkaasi.
Xalay ayay aheyd markii fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Bariga Magaalada Baladweyne lagu weeraray Bambaanooinka nuuca gacanta laga tuuro kuwaasi oo aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen.























Comments are closed.