Muqdisho: (Sh. M. Network) Gallinkii dambe ee maanta ayaa waxa qarax bambaano oo ah nuuca gacanta laga tuuro lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Isgoyska Baar-Ubax ee Magaalada Magaalada.
Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in qaraxa kaddib rasaas ay fureen ay ku geeriyoodeen labo ruux oo rayid ah oo ku sugnaa nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay sida ay Idaacada Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.
Isu socodka gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray Isgoyska Baar-Ubax ayaa hakad galay, waxaana Ciidamada Dowladda ay howlgallo baaritaanno ah ka bilaabeen Isgoyskaasi, iyadoo aan la ogeyn cid ay kusoo qab qabteen.
Xaaladda ayaa hadda degan, lamana oga cidda ka dambeysay qaraxaasi.
Xalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Xaafada Gubta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu weeraray qaraxyo bambaano oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro kuwaasi oo sida la sheegay gaystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.























Comments are closed.