Qarax qasaaro gaystay oo Ciidamada Dowlada lagula eegtay Shalanbood

maalik_som October 14, 2012 Comments Off

Shalanbood: (Sh.M.Network) — Qaraxaani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa lagula eegtay gudaha Degmada Shalanbood ee gobolka Sh/hoose. 

Goobjoogayaal ku sugan Degmada Shalanbood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid xooggan islamarkaana ay arkayeen dhaawacyada askar ka tirsan Ciidamada dowladda oo loosoo daabulay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. 

Ciidamada ayaa la sheegay in markii qaraxa lala eegtay kaddib ay rasaas dhinacyada u fureen, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay rasaastaasi. Waxaana la tilmaamay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen howlgallo baaritaanno ah oo aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu jiro, hase ahaatee uusan geysan qasaaro buuran sida ay hadalka u dhigeen. 

Degmada Shalanbood ee gobolka Sh/hoose ayaa marar badan waxa ka dhacay qaraxyo xooggan oo qasaaro u gaystay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida looga hortagayo qaraxyadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter