Muqdisho: (Sh.M.Network) Qarax qasaaro gaystay ayaa Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Gallinkii dambe ee maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM waxaa qarax Miino lagula eegtay Degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Ciidamada oo wata Gawaaridooda qarax Miino lagula eegtay Xaafadda 15-tiin May degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir, iyadoo qaraxa kaddib Ciidamada AMISOM ay rasaas fureen kuwaasi oo aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen.
” Qaraxa hal mar ayuu dhacay, miino ayuu ahaa, dadkii oo dhan ayaa kala cararay, way jirtaa qasaaro soo gaaray AMISOM, laakiin xabado badan ayay fureen Ciidamada AMISOM” sidaasi waxaa yiri goobjpoge ku suganaa halkaasi
Daqiiqado kaddib ayaa halkaasi waxaa gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan Ciidamada AMISOM kuwaasi oo isku gadaamay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Xaaladda oo muddo cakirneyd ayaa waxaa markii dambe ay noqotay goobta uu qaraxa ka dhacay mid caadi ah.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo























Comments are closed.