Qarax qasaaro dhaliyay oo Ciidamada Dowladda lagula eegtay Baydhabo

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network)  Qarax qasaaro gaystay ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa lagula eegtay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa nuuca gacanta laga tuuro, waxaana lagu weeraray sida la sheegay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa gudaha Magaalada, inkastoo ay arrinkaasi beeniyeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Magaaladaasi. 

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo Kornel Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu jiro, hase ahaatee uu qasaaro kasoo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan. 

“ Meel Suuq-yare ah oo lagu qoro Geedaha ayaa nimankii sharwadayaasha ahaa waxay ku tuureen bamboonooyin, waxaana ku dhintay hal ruux oo rayid ah, qof kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, Ciidamada Dowladdana halkaasi ma aysan joogin” sidaasi waxa yiri Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Magaalada Baydhabo. 

Dhawaan ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ay xukunno kala duwan ku rideen rag ku xirnaa Xabsiyada Magaaladaasi oo lagu cadeeyay dambiyo kala duwan oo ay galeen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter