Jowhar(Sh.M.Network)—Wararka Ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay ku waramayaan in Magaaladaasi laga maqlay Qarax ka dhacay oo sida dad deegaanka ay Shabelle uxaqiijiyeen khasaara dhaliyay taas oo aan si rasmi ah loo eegeen baaxadda ay la egtahay
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Buundada kala qaybisa xaafadaha Horseed iyo Hanti wadaag waxaana la sheegay in Qaraxaasi uu ahaa Miino dhulka lagu aasay.
Qaraxa ayaa xilliga uu dhacay waxaa meel aan ka fogeen ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in wax khasaara aanu ka soo gaarin qaraxaasi balse rasaas ay fureen Ciidamada dowladda ay wax ku noqdeen dad rayida oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay
Magaalada Jowhar ayaa saakay wararku waxa ay tilmaamayaan in Magaaladaasi Howlgallo xoogan ay ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidamada Sida gaarkaa utaba baran oo dowladdu ay sheegtay in ay xaqiijinayaan ammaanka Magaaladaasi Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe
























Comments are closed.