Qarax Lala Eegtey Ciidamo isgu jiro Soomaali iyo Itoobiyaan Magaalada Baladweyn.

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Baladweyn  (Sh.M.Network)— Qaraxan oo qasaaro geestey ayaa Maanta waxaa lagula eegtey Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomali ah isgooska Kalabeydhka  Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka Laga helaayo Magaalada baladweyne ayaa sheegey in gawaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan lala eegtey qarax oo ahaa Nooca miinada dhulka lagu aaso ah.

Qaraxaasi ayaa la sheegey iney ka dhasheyn Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida Shabelle ay u sheegeyn Dadka deegaanka.

Inta la’ogyahay ilaa iyo 5 ruux oo isgu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa ku dhintey qaraxaasi halka 10 kale ay ku dhaawacmeyn oo iyagana isugu jirey kuwo ka wada tirsan Ciidamada Soomaalida iyo Kuwa Itoobiya.

Intaasi ka dib waxaa halkaasi ka dhacay howgalo balaaran oo ay sameenayeen ciidamadii lala eegtey Qaraxa waxaana la sheege iney gacanta ku shigey ku dhawaad 20 ruux oo sida la sheegey uga shakisan yihiin iney yihiin Dadkii Qaraxaasi ka dambeeyey.

Ilaa iyo haatan ma jiro war ah oo ka soo baxey Maamulka Gobolka Hiiraan iyadoo xiriiro aan la sameeney Maamulka gobolka Hiiraan ay inoo suurta Gali weysey.

Comments are closed.

Facebook

Twitter