Qarax lagu weeraray Taliyaha Ciidamada DKMG ee Ex-Kontorol

maalik_som August 28, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Qaraxa qasaaro gaystay ayaa xalay waxaa lagu weeraray Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Ex-Kontorol.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG ah ee Ex-Knotorol Axmed Yare oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qarax qasaaro gaystay oo lagu weeraray Guriga Taliyaha Ciidanka Ex-Kontorol.

Axmed Yare ayaa tilmaamay in Qaraxa uu ahaa nuuca gacanta, kaasi oo habeenimadii xalay lagu tuuray Guriga Taliyaha islamarkaana ay ka dhaseen qasaaro soo gaaray dadka shacabka ah oo ku sugnaa Guriga Taliyaha, isagoo intaasi ku daray in wax qasaaro ah uusan soo gaarin Taliyihii la weeraray.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Ex-Kontorol ayaa waxa uu sheegay in qaraxa kaddib Ciidanka Dowladda KMG Soomaaliya uu bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay qaraxaasi, isagoo xusay inay jiraan dad loo soo qab qabtay iyo kuwa kale oo lagu raad joogo sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta ayaa waxa lagu qaadaa weeraro qorsheysan, kuwaasi aan la ogeyn cidda ka dambeysa.

Comments are closed.

Facebook

Twitter