Muqdisho: (Sh.M.Network) — Qarax qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxa lagula eegtay Magaalada Baladweyne.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Kooxo hubaysan ay Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa gudaha Magaaladaasi.
Qaar ka mid ah dadka degaanka oo saakay qadka Taleefonka kula hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen qaraxa uu ahaa Bambada nuuca gacanta laga tuuro islamarkaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.
Macadda qasaaraha ka dhashay qaraxaasi, hase ahaatee Ciidamada Dowladda ayaa sakaay lagu soo waramayaa inay wadaan baaritaanno ballaaran oo aan la ogeyn cidda lagu qab qabtay.
Qaraxaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli gudaha Magaalada shalay uu iska horimaad ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Ethiopia.























Comments are closed.