Nairobi (Sh.M.Network)—Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Caawa halkasi uu ka dhacay Qarax Xoogan oo Khasaaro gestay.
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmey qaraxa kaasi oo ka dhacay Nawaaxiga xaruun ay Ciidamad cirka Kenya ku leeyihiin Xaafada Islii ee ka tirsan magalada Nairobi.
Afarta geeriyootay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dad rayid ah oo Goobta ka agdhowaa waxaana la geeyay isbitaal ku yaala Nairobi.
Lama oga waxa loo adeegsday qaraxa hase ahaatee wararku waxa ay sheegayaan in goobta at gaareen Ciidamo kenyana ah kuwaasi oo samaynaya Baaritaano xoogan.
Ma jirto cid sheegatay Ma’uuliyad weerar ka dhacay caawa Xaafad Isli ee magalada Nairobi.



















Comments are closed.