Baladweyne (Sh.M.Network)—Qarax qasaaro geystay ayaa Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Sida ay ku waramayaa wararka saakay ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Nuuca Rimuudka loo adeegsado ah lagula beegsaday Magaaladaasi Ciidamo Ethiopian ah oo miino baris kawaday Magaalada Baladweyne.
Qarax ayaa ka dhacay xaafada Xaawo-taako, waxaana goobjoogayaal ku sugan xafaadaasi ay Idaacadda Shabelle u sheegeen in goobta uu qaraxu ka dhacay ay isku gadaameen Ciidanka Ethiopia, kuwaasi oo baaritaano ka bilaabay halkii qarax lagu la beegsaday.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu qasaaro u geystay Ciidanka Ethiopia, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Ciidankaasi, sidoo kale saraakiil ka tirsan Maamulka gobolka oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan qaraxaasi.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan oo ay siwada jir ah gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo AMISOM waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eeganayay Ciidamada halkaasi ku sugan.



















Comments are closed.