Qarax ka dhacay Afaafka hore ee Xaruunta Baarlamaanka

maalik_som November 7, 2012 Comments Off

MUQDISHU (Sh.M.Network)—War Goordhow Naga soo Gaarey Xarunta Shacabka oo ay maanta Baarlamaanka ku lahaayen Kulan ay kaga doodayeen xeer hoosaadka ayaa waxaa uu qarax weyn ka dhacay Banaanka Sare ee Masaajidka isbahesiga Halkaas oo uu baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dhex qarxiyey Gootaas oo ah goob ay yaalen baaburta ay qaaska u leeyihin xildhibaanada baarlamaanka .

Xiliga Qaraxa Uu dhacayey waxa soo idlaadey kulankii ay lahaayeen Baarlamaanka ayna ku sugeynaayeen afaafka hore ee baarlamaanka iyo isla halka uu ka dhacay Qaraxa ee barxada Isbaheysiga Baarlamaaanka .

Goobjoogiyaal ayaa xaqiijiyey geerida hal qof kaas oo ahaa qof saarnaa gaar aad ugu dhawaa gaariga qarxay waxa uuna intaas ku dareen in wax dhimasho kale ah  aysan jirin.

Comments are closed.

Facebook

Twitter