Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Afgooye, Sh/hoose

maalik_som October 6, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network)—Qarax Ismiimaadin ah ayaa waxa uu ka dhacay Kontorolka Bar Ismaaciil ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay qof iska soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa islamarkaana uu galay gudaha Kontorolka Baar Ismaaciil oo sida la sheegay lagu diyaarinayay Ciidamo badan oo ka tirsan Militariga Dowladda Soomaaliya. 

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa gil gilay goobta uu ka dhacay, waxaana iminka rasaas ridaya Ciidamada Dowladda ee qaraxa Ismiidaaminta ah lagu weeraray. 

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana la ogaan karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi. 

Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha iyo Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa inoo suuro gallin inaan ku haleelno qadka Taleefonka. 

Qaraxaani ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo Ismiidaamin ah oo ka dhaca Kontorolka Bar-Ismaaciil degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter