Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne, Hiiraan

maalik_som October 12, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network) — Qaraxaani oo ahaa mid Ismiidaamin ah ayaa xalay waxa qof iska soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku weeraray Gurri uu Magaalada Baladweyne ka dagan yahay Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca Siyaasadda ee Maamulka gobolka Hiiraan Cadaawe. 

Cadaawe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qaraxaasi, isagoo xusay in u jeedka qaraxa uu ahaa in isaga lagu dilo, hase ahaatee ay ka hortageen Ciidamada Dowladda oo uu sheegay inay rasaas la dhaceen, taasina ay keentay in uu sidaasi ku qarxo ninkii isa soo miidaamiyay.

“ Walaal qaraxa waxa uu ahaa mid ismiidaamin ah qof Naftiisa haliga ah ayaa iska soo buuxiyay, wuxuu rabay in uu isku qarxiyo Gurigayga laakiin Ciidamada ayaa ka hortagay, wax qasaaro ah ma geysan isagii un baa go’go ay” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiye ku xiggeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in qofka is qarxiyay uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, isagoo carabka ku dhuftay in weerarada nuucaasi la mid ka ah aysan caqabad ku noqon doono islamarkaana ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab. 

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala eegto Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale ee halkaasi ku sugan, iyadoo Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ethiopia ay sheegeen inay bilaabayaan qorshooyin lagu xaqiijinayo ammaanka, loogana saarayo gobolka Xarakada AL Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter