Faah faahin qaraxyo ruxay Maqaaxi ku taalla Hooyooyinka

maalik_som September 20, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Goordhow ayaa waxa ay qaraxyo ruxeen Maqaaxi lagu magacaabo The Village oo ku taalla Guriga Hooyooyinka halkaasi oo ay isugu yimaadaan Saxafiyiin, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xillliyada qaar ku qaxweeya.

Qaraxyada ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen labo ruux oo iska soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa halka warar kalena ay sheegayaan in uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso oo halkaasi lagu diyaariyay.

Qasaaro badan ayaa ka dhashay qaraxa sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah, waxaana la tilmaamay in dadka ay wax ku noqdeen qaraxaasi ay ku jiraan Saxafiyiin ka howlgasha Warbaahinta dalka.

Wariyeyaasha dhintay ayaa la sheegayaa in uu ku jiro Madaxa Wararka ee Idaacadda iyo Tv-ga qaranka Wariye Liibaan Cali Nuur, Wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka howlgala  Radiyaha Qaranka. C/raxmaan Yaasiin Agaasimaha VOD iyo sidoo kale wariyeyaal ka howlgala Idaacadda Kulmiye.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u mashquulban, sida uu soo sheegayo Wariyaha Tv-ga iyo Idaacadda Shabelle Axmed Cabdi Xasan  oo ku sugan halka uu qaraxa ka dhacay.

Gawaarida deg deg ah ee Ambalasta ayaa gaartay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi laga daabulayaan dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii kale ee ku geeriyooday qaraxa.

Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo badan, waxaana halkaasi si meyd ahaan u yaalla illaa afar ruux oo rayid ah.

Dhimashada ayaa ka badan illaa 10-ruux halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa isku gedaamay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana socota rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Isbuucii lasoo dhaafay ayuu ahaa markii qarax uu ruxay Hotel uu Magaalada Muqdisho ka deganaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya

Kala soco Shabelle.net haddii Alle idmo faah faahin intaani ka badan.

Comments are closed.

Facebook

Twitter