Qarax Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Baladweyne

maalik_som October 1, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh.M.Network)  Qarax qasaaro gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. 

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceel-gaal ee duleedka Baladweyne oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana uu waxyeeleeyay mid ka mid ah Kollonyada Gaadiidka ah oo ay wateen Ciidamadaasi. 

“ Qaraxa Miino ayuu ahaa, Deegaanka Ceel-gaal ayay joogeen markii lala eeganayay Ciidamada Ethiopia, waxay rabeen inay soo qaataan biyo, laakiin gaarigooda mid ka mid ah ayaa qarax Miino lala eegtay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Rasaas ayaa la sheegay in Ciidamada Ethiopia ay fureen, wallow aan la sheegin qasaaraha ka dhashay, waxaana la tilmaamay in iminka ay howlgallo ka wadaan gudaha deegaankii qaraxa lagula eegtay Ciidamada. 

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Jabuuti ay isaga baxeen gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, sababo la xiriir in la xaqiijiyo ammaanka Magaaladaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter