Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax bambaano ayaa waxaa Caawa maqribkii Ciidamada Dowladda lagula eegtay degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaani oo ahaa Bambka nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Gubta degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan, isagoo xusay inay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi, inkastoo aan caddeyn.
“ Qaraxa waxa uu ahaa midka gacanta laga tuuro, Ciidamada dowladda ayaa lala eegtay iyagoo ku sugan Xaafadda Gubta, rasaas ayay fureen Ciidamada qaraxa kaddib” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo ka gaabsaday magaciisa.
Isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga ka jiray Xaafadda Gubta ayaa hakad galay qaraxa kaddib maadaama Ciidamada Dowladda ay bilaabeen howlgallo lagu baadi goobayo cidda ka dambeysa, iyadoo aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay baaritaannadaasi.
Guddoomiyaha degmada Dayniile ee dowladda KMG ah oo aan la xiriirnay ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxa uu jiro, hase ahaatee ay dib faah faahin kaga bixin doonaan.
Xaaladda ayaa degan, waxaana la ogeyn cidda ka dambeysa qaraxaani, wallow uu qeyb ka yahay kuwa inta badan Ciidamada dowladda lagula eegto degmooyinka Magaalada Muqdisho.























Comments are closed.