Baydhabo: (Sh.M.Network) — Qaraxaani oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa xalay Bartamaha Magaalada Baydhabo lala eegtay Qarax Miino, iyadoo la sheegay in Ciidamada qaraxa kaddib ay rasaas u fureen dhinacyada, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Bay Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana lagu aasay gudaha Magaalada, hase ahaatee uusan waxba kasoo gaarin Ciidamada Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada dowladda qaraxa kaddib waxay qab qabteen dhalinyaro badan oo ka agdhaweyd halka uu qaraxa ka dhacay” sidaasi waxa yiri qof goobjoog ah.
Qaraxaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli inta badan Magaalada Baydhabo ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan, inkastoo aan la ogeyn sida wax looga qabanayo.























Comments are closed.