Qarax Bam oo khasaaro geestay oo ka dhacay Xerada Ifo

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Ifo( Sh.M.Network) Qaraxani Bam oo kashaara Geestay ayaa Ciidamo Katirsan Kuwa Kenya waxaa Lagula eegtay Xerada Qaxootiga ee Ifo.

Inta La ogyahay illaa Seddex Askari ayaa Ku dhaawacantay Qaraxaasi bambaano ee la sheegay in Lagu Beegsaday Gaari Ciidamada Kenya ay wateen oo Roonda Kawaday Gudaha Xeradaasi Ifo.

Dad Goob Jogayaal ah ayaa Shabelle U xaqiijiyay in Goobta uu Qaraxu ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo  aad u badan Kuwaasi oo howl Gallo ka sameynayay Goobta weerarkaasi uu ka dhacay iyagoo dhinaca kalena isku Geedaamay halkaasi.

Xeryaha Qaxootiga  Soomaalida Kenya ayaa waxaa ku soo noq noqday Weerarada Qaraxyada ah ee hallkaasi Lagu soo qaado iyadoo dowladda Kenya ay Ku eedeyso in weeraradaasi ay Geestaan Ururka Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter