Qarax AMISOM Lagula eegtay Magaalada Marka

maalik_som January 2, 2013 Comments Off

Marka(Sh.M.Network)—Qaraxani oo ahaa Miinada Nuuca dhulka Lagu aaso ayaa Magaalada Marka waxaa lagula eegtay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee Magaalada Kusugan

Qaraxa ayaa lala bartilmaamsaday Ciidamada AMISOM  Xilli Howl gal Roondooyin ah ay ka sameynayeen Xafado ka tirsan Magaaladaasi Marka ee Gobolka Sh/hoose.

Illaa iyo iminka lama Xaqiijin qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi marka laga soot ago Goob Joogayaal Shabelle usheegay in illaa 3 qof ay ku dhaawacmen qaraxaasi kuwaasi oo ahaa rayid goobta ka agdhawaa.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka Gobolka Sh/hoose oo isna la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa meesha ka saaray In ay jiraan khasaaro Ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi  isagoo carabka ku dhuftay in ay socdaan Howlgallo ay ku baadi Goobayaan kooxihii ka dambeeyay Qaraxaasi.

Magaalada Marka oo horay loogala wareegay gacan ku heynteeda Ururka Al Shabaab ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyo iyo Weeraro walow ay saraakiisha dowladda ee halkaasi sheegaan in ay wax ka qaban doonaan Caqabadahaasi

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter