Muqdisho(Sh.M.Network)—Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ayaa kadib Bayaan uu soo saaray waxa uu siweyn ugu soo Dhaweeyay Howlgallada aan kala Go’a lahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Ciidamada dowladda ay ka wadaan gaar ahaan la wareegitaankii Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe ay ugala wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM Ururka Al Shabaab ee horay halkaasi umaamulayay
Mahiga ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ubaahantahay in dib loo soo nooleeyo laamihii amniga si dadka iyo dalkuba ay uxasilaan isagoo tilmaamay in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto tallaabo kasto oo dib loogu soo nooleenaayo ammaanka iyo Xasiloonida Soomaaliya
Dhinaca kale Bayaanka Ergayga Gaarka ee Qarmada Midoobay uqaabislan Soomaaliya Dr Augustine Mahiga ayaa loogu baaqay Beesha Caalamk gaar ahaan Hey’adaha daneeya arrimaha Samafalka in Gurmad deg dega lala gaaro deegaanada dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika halkaas oo ay ku suganyihiin dad badan oo dhibaato macluula ay halkaasi ku heyso
Hadalka Uqaybsanaha Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al Shabaab ka fara maroojiyeen Degaanno iyo Degmooyin hoostaga Gobolka Sh/Dhexe oo ay ku jirto Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolkaasi























Comments are closed.