Qaramada Midoobay iyo Mareekanka oo kahadlay Xukun ay Riday Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir

maalik_som March 5, 2013 Comments Off

New-York (Sh.M.Network)—Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Banki Mon ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay ka xunyihiin in weli Wariye Cabdi Casiis Koronto uu ku sii Jiro Xabsiga iyadoo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay Seddexdii bishaan ka qafiifisay Xukun Xariggi  horay loogu riday wariyahaasi.

Banki Mon ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in la sii daayo Haweeneydii wariyuhu uu wareystay ee sheegtay in la kufsaday balse waxaa uu muujiyay in aysan ku faraxsaneen in weli wariyuhuu uu baaqi  ku sii ahaado Xabsiga.

Mr Mon ayaa ku baaqay in  lasii daayo wariyahaasi iyadoo la ixtiraamayo Xuriyatul qowlka iyo Saxaafadda Madaxa Banaan ee Soomaaliya ka howl Gasha.

Dhanka kale war uu Xafiiskiisa ka soo saaray Ku Xigeenka Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareekanka ayaa waxaa lagu sheegay in Mareekanku uu ka niyad jabsanyahay in weli uu xabsi ku sii jiro Wariye Cabdi casiis Koronto.

Dowladda Mareekanka ayaa dhankeeda iyana soo dhaweysay Go’aanka lagu sii daayay Haweeneydii dhibana ahayd ee loo soo qabtay Kiiska Wariye Koronto

Comments are closed.

Facebook

Twitter