Qadar oo Taageero horleh siineysa Soomaaliya

maalik_som March 7, 2013 Comments Off

Muqdisho (Sh.M.Network)—kadib kulan ay wada qaateen Madaxda dowladaha Qadar iyo Soomaaliya  ayaa waxaa ay wada gaareen heshiis ku aadan in dowlada Qadar ay Mashaariic horumarineed kafuliso dalka Soomaaliya Mashaariicdaasi oo ay qeyb kayihiin waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’isal Wasaare kuxigeen ahna Wasiirada arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya oo kamid ahayd Madaxdii kulankaasi ka qayb  gashay ayaa warbaahinta uga warbixisay Heshiisyada ay wada Gaareen dowladaha Qadar iyo Soomaaliya iyadoo sheegtay in labada dowladood ay ku heshiiyeen in wada shaqeyn ballaarani ay dhexmarto.

Sikastaba dowladda Qadar ayaa qayb ka ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Madaxda dalkaasina ay horay u ballan qaadeen in ay wax ka qaban doonaan kalin wacanna ay ka geysan doonaan dadaalada dowladda Soomaaliya ay dib isugu taageyso Cagaheeda

Comments are closed.

Facebook

Twitter