Qabashada Araajida Musharixiinta oo ka bilaabtay Muqdisho

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa maanta kullankooda labaad ku yeellan doona Magaalada Muqdisho. 

Fadhiga ay isugu imaanayaan Guddiga diyaarinta Doorashooyinka Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu ajandihiisu yahay ururinta iyo qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka Guddoonka sare ee barlamanka sida Guddoomiyaha barlamanka iyo labadiisa ku xiggeen. 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan Guddiga diyaarinta Doorashooyinka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in inta aysan bilaaban qabashada araajida Musharixiinta ay kullan la yeellan doonaan Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee barlamanka Soomaaliya. 

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sheegay inay isa soo tarayaan Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka sare ee barlamanka, iyadoo aan laga hor dhici karin Natiijooyinka kasoo baxa kullanka lagu wado in maanta mar kale ay yeeshaan Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka sare ee barlamanka Soomaaliya. 

Wixii kasoo baxaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo

Comments are closed.

Facebook

Twitter